Jarmalka oo laga xaqiijiyay 988 oo ah kiisaska cusub ee COVID19

Waxaa gudaha dalka Jarmalka laga diiwaangeliyay xaalado cusub oo COVID19 oo gaaraya 988.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska cudurka ee ilaa iyo hadda wadankaas laga xaqiijiyay ka dhigaysa 249,985.
Machadka dabagalka ku sameeya cudurada faafo ee RKI ee Jarmalka ayaa laga soo xigtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay hal qof oo dheeraad ah uu u dhintay COVID19.
Dhimashada guud ayaa hadda ah 9,325 tan iyo dabayaaqadii bishii koowaad ee sannadkan oo Jarmalka lagu arkay kiisaska corona.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here