Jilaagii caanka ahaa ee Papa Shirandula oo dhintay

Waxaa dhawaan geeridiisa la xaqiijiyay jilaagii ku caanbaxay filimka Papa Shirandula kaasi oo magaciisa dhabta ah Charles Bukeko.
Jilaagan ayaa saaka ku dhintay isbitaalka Karen kaddib markii laga helay xanuunka Covid-19.
Papa Shirandula ayaa caan ku ahaa filim ka bixi jiray telefishanka Citizen isagoona la gudoonsiiyay abaalmarin ah jilaaga ugu fiicnaa sannadkii 2010-kii.
Waxaa uu ifka kaga tagay xaaskiisa iyo 3 carruur ah.
Waxay da’adiisu ahayd 58 sano jir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here