Joe Biden oo ka digay dhimasho badan hadii uu Trump ku daaho xil wareejinta

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ka digay in “dad badan ay dhiman doonaan” haddii xukuumadiisa cusub ay caqabad kala kulanto xil wareejinta Donald Trump.
Mr. Biden ayaa sheegay in wada shaqeyn loo baahnaa si looga hor tago Covid-19.
Waxaa uu “mas’uuliyad darro”ku tilmaamay diiditaanka Trump ee inuu aqbalo guul darrada ka soo gaartay doorashadii madaxtinimada .
Kooxda ololaha doorashada ee Trump ayaa billaabay inay gudbiyaan dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada.
Kooxda ayaa dalbanaysa in dib loo tiriyo codadka gobollada qaar iyaga oo u sababeeyay wax isdaba marin iyo in si aan habooneyn loo xisaabay.
Ilaa iyo hadda dadaaladaasi ayaa guul darreystay maadaama sida la sheegay aan la haynin cadeymo buuxa.
Madaxweynaha xilkiisa uu dhamaaday ee Donald Trump ayaa Isniintii bartiisa twitarka ku soo qoray “doorashada waan ku guuleystay”.
Hay’adda dawladda Maraykanka u qaabilsan xil wareejinta ee loo yaqaano GSA, uuna magacaabayo Trump ayaa weli aqoonsanin guusha Biden iyo ku xigeenka madaxweynaha Kamala Harris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here