Joe Biden oo magacaabay madaxa shaqaalaha ee aqalka cad

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Maraykanka Joe Biden ayaa soo magacaabay madaxa shaqaalaha ee aqalka cad ee wadankaas looga arrimiyo.
Waxaa uu xilkan u dhiibay Ron Klain oo muddo dheer la taliye u ahaa.
Waa magacaabidii ugu horreysay ee uu sameeyo Biden oo sheegay in uu maamulkiisa soo dhisaya xita iyadoo Donald Trump uusan weli oggolaan in looga guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dhacday 3-dii bishan.
Ron Klain oo 59 sano jir ah ayaa xilligii uu Joe Biden ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka waxaa uu hoggaaminayay shaqaalaha xafiiskiisa.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale kaalin ka soo qaatay qaabkii ay Afrika ula tacaashay cudurka Ebola sannadkii 2014-kii.
Ron ayaa madaxweyne Donald Trump aad ugu dhaliilay sida uu u wajahay cudurka COVID-19 waxaana la filayaa in uu qayb weyn ka qaato maareynta caabuqa oo uu Joe Biden ballanqaaday inuu diiradda saari doono.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here