Joe Biden oo sheegay inay diyaar u yihiin ka jawaabidda dacwad uu Trump ku hanjabay

Musharaxa madaxweynanimo ee xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in qareenadiisa ay diyaar u yihiin inay ka jawabaan dacwad uu Donald Trump ku goodiyay inuu u gudbinayo maxkamadda ugu sarreysa wadankaas.
Hadalka Biden oo lagu xusay bayaan uu soo saaray maamulaha ololihiisa Jen O’Malley Dillon ayaa yimid kaddib markii Donald Trump oo hadda xilka haya sidoo kalena la tartamaya uu sheegay in doorashada lagu shubanaya.
Mr. Trump ayaa hoosta ka xarriiqay in codadka la dhiibtay iyo natiijada soo baxaysa aysan is waafaqsaneyn.
Biden ayaa dhankiisa muwaadiniinta Maraykanka ugu baaqay in ay is dejiyaan maadaama uu guul rajeynaya.
Hanjabaadda Trump waxaa qayb ka ah inuu tagayo maxkamadda si loo joojiyo tirinta codadka maadaama uusan ku qanacsaneyn sida ay wax u socdaan.
Biden ayaa ku guulaystay codeynta ka dhacday Arizona, California, Washington, New York iyo Illinois halka Trump ay guul uga soo hooyatay gobollada Floria, Ohio , Texas, iowa iyo Missouri.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here