Jordan oo u yeeratay danjiraha Israa’iil

Boqortooyada Jordan ayaa u yeeratay danjiraha ku matalo Israa’iil si wada tashi loo sameeyo kaddib markii laba ka mid ah muwaadiniinteeda la xiray.
Tallaabada Jordan ayaa timid kaddib markii Israa’iil aynan tixgelin dalabaad ahaan inay dadkaasi siidayso.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan Ayman Safadi ayaa qoraal uu soo dhigay Twitarka ku sheegay in labadaasi qof ay Israa’iil u xiran yihiin laba bilood iyadoo wax dacwad ah aan lagu soo oogin.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu hoos u dhac ku yimid caafimaadka Hiba Labadi iyo Cabdul Raxman Miri taasina mas’uuliyaddeeda uu qaadanayo maamulka Israa’iil.
Wasiirka ayaa sheegay in go’aanka dib loogu yeeray safiirka ay tahay tallaabada koobaad in kastoo faahfaahin dheeraad uusan bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here