Juan Guaido oo ku baaqay dibadbaxyo ka dhan ah madaxweynaha Venezuela

Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Venezuela ,Juan Guaido ayaa ku baaqay in la sameeyo dibadbaxyo dheeraad oo looga soo horjeedo maamulka madaxweyne Nicolas Maduro.
Guaido ayaa isku soo bixii siyaasadeed ee ugu horreeyay qabtay 6 maalmood kaddib markii ciidamada ammaanka ay ka hor istaageen.
Isku soo baxa oo ay isugu yimaadeen boqolaal qof ayuu siyaasigan ka sheegay in la joogo xilligii mar kale waddooyinka lagu mari lahaa socdaal lagu dalbanayo arrimo dhowr ah.
Wuxuu xusay inaynan jirin cid gurigeeda ku sugnaan karta iyadoo dhanka kale sida uu hadalka u dhigay keli talisnimo ay dalkaasi dulleysay.
In ka badan 50 wadan ayaa horay madaxa mucaaradka ee Venezuela Juan Guaido u aqoonsaday inuu yahay madaxweynaha rasmiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here