Juan Guaido oo u safray Colombia

Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Venezuela Juan Guaido ayaa lagu soo warramayaa inuu dafiray amar looga mamnuucay inuu safar ku tago wadanka Colombia oo uuna halkaas u ambabaxay.
Siyaasigan ayaa lagu wadaa inuu la kulmo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Mike Pompeo.
Tallaabadaas ayaa loo arkaa mid uu ku raadsanaya taageero ka dhan ah madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.
In ka badan 50 wadan oo uu Maraykanka ka mid yahay ayaa Juan Guaido u aqoonsan inuu yahay madaxweyne sharci ah.
Nicolas Maduro ayaa dhankiisa madaxa mucaaradka ku eedeynaya inuu yahay shakhsi u taagan danaha wadamo kale oo muaamulkiisa ka soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here