Jubaland oo dadka kaga digtay inay hal meel isugu yimaadaan.

Ciidamada Booliska Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa bilaabey fulinta amar kasoo baxey guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus,kaasoo ahaa in la joojiyo Goobaha ay Bulshada isugu timaado.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa tegay Xeebta Magaalada Kismayao ee xarunta gobolka Jubada Hoose oo dad badan isugu yimaadaan,Goobaha Maqaaxiyaha ah iyo goobo kal oo dadyowgu ku kulmaan inta abdan ,iyagoo dadka ku amrey inay guryahooda aadaan aana la ogolayn isu imaatinka bulshada.
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Maxamed Naasir Guulleed Xassan ayaa u sheegay qaar kamid ah Shacabkii ay Ciidamada la kulmeen in qof walba looga baahan yahay inuu Hoygiisa ku nagaado ama goobtiisa shaqo xeebaha,Maqaayadaha iyo Goobaha kale midnana aan lagu kulmi akri hadii kale xabsi lagu mudanayo.
Wuxuu sheegay in cudurka Coronavirus uu yaha dhibaato weyn oo aduunka wada gaadhay lana doonayo in cidkasta ay taxadar dheeraad ah muujiso ayadoo sidoo kale loo hogaamsamayo amarada dowlada ay soo saadho si xakamaynta cudurka looga wada qayb qaato.

Wasiirka Caafimaadka maamulka Puntland ayaa isna faahfaahin ka bixiyay xaalada cudurkaan ee deegaanada maamulkaas isagoo xaqiijiyay inaysa wali jirin waxa kiisas ah oo deegaanada Puntland laga xaqiijiyay.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya ayaa dhanka kale waxay soo saartay qodobo iyo faahfaahino dheeraad ah oo la xiriira Xaaladaha cudurka Covid 19 iyo talaabooyinka ay qaadeen sidoo kale Bulshada Soomaaliyeed ayay u jeedisay wasaarada Fariimo muhiim ah oo la xiriira Taxadarkooda.
Wasaarada caafimaadka Soomaaliya waxay cadaysay inuu bilowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhexdeeda (community transmission) sidoo kalena ay xaqiijisay Shalay 4 xaaladood oo cusub oo la xariirta caabuqa COVID-19 taasoo tirada guud ee xaaladahada caabuqa COVID-19 ka dhigaysa 12 qof.
In 4-ta xaaladood ee cusub ay dhamaantood yihiin dad wadanka dhexdiisa joogay oo aan la laheyn xiriir dibadda
Waxaana sidoo kale isla shalay geeriyooday Allaha u naxariistee xaaladdii ugu horraysay ee la xariirta caabuqa COVID-19, oo ahaa muwaadin Somali 58 jir ah, taasoo noqnaysa dhimashadii ugu horraysay wadanka Soomaaliya gudihiisa
Wsaarada Caafimaadka Soomaaliya waxay kaloo cadaysay in dadka laga helay cudurka ay ka miid yihiin 2 Sarkaal oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka taasoo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaankooda,ayna ku mashquulsantahay raadinta dadkii ay xariirka la sameeyeen xaaladahaas cusub.
Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed mar kale ku adkaynaysay inay guryohooda ku ekaadaan kana taxadaraan caafimaadkooda iyo badqabkooda,Waxayna bulshada ka codsatay inay ka qayb-qaataan xakamaynta cudurka oo ay raacaan tilmaamaha caafimaad ee sida joogtada ah loola wadaagayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here