Jubbaland oo ka hadashay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb kula kulmey Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaa soo dhamaaday kulanka oo uu bilowgiisa hore goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Galmudug, iyadoo markii dambe ay isku keli noqdeen Farmaajo iyo Axmed Madoobe.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland Maxamad Axmad Sabriye ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulankan ahaa mid ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar u ah wadahadalada qorsheysan ee lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee dowladda federaalka soomaaliya iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here