Jubilee oo soo jeedisay in Ruto laga xayuubiyo xilka guddomiya ku xigeenka xisbiga

Guddiga qaran ee maamulka xisbiga Jubilee NMC ayaa soo jeediyay in madaxweyna ku xigeenka William Ruto oo ah hoggamiya ku xigeenka xisbiga laga saaro xisbiga lagana mamnuuco inuu isticmaalo xaruunta dheexe e xisbiga si uu yoolkiisa siyaasadeed u gaaro.
Waxa tani shaaca ka qaaday maanta xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju ka dib markii uu madaxweyna ku xigeenka tagay shalay xafiiska xisbiga, waxa ay ugu yeereen xubnaha ay siyaasad ahaan kala aragti duwanyihiin afgambin.
Ruto subixi khamiista waxa uu tagay xaruunta xisbiga iyada oo ay la socdaan in ka badan 30 xildibaano ah , amana jirin saraakiil sare oo xisbiga ka tirsan oo soo dhaweeyay taasi uu muuqatay dadaalo uu ku doonaye William Ruto inuu hanto maamulka xisbiga.
Waxay ku soo aadeysa iyada oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu booqasho saddax maalmood ah ugu maqanyahay dalka Fransiiska.
Tuju ayaa waxa uu sheegay in talaabada uu Ruto ugu yeeray xildhibanada oo uu qarkood ku tilmaamay kuwa jeediyay hadalo aan wanagsaneen xaruunta dhexe ee xisbiha Jubilee ayaa sababi gaartay inay iska hor imaadana xulafada madaxweynaha.
Tuju ayaa waxa uu Ruto ku dhaliilay inuu aragti kale ka qaatay go’ankii xisbiga ee ahaa inaysan soo saarin musharaxa kaga qayb galo doorashada ku celiska deeganka Msambweni, dabadeedna sheegay inuu taageerayo musharax madax banaan.
Ruto ayaa sido kale waxa lagu dhaliilay inuu ka baaqday shirkii qaranka ee Viruska Corona oo lagu qabtay xaruunta shirarka calamiga ee KICC. Kursigiisa ayaa banana, sida laga doonaye inuu madaxweynahana soo dhaweeyo.
Madaxweyna ku xigenka ayaa sido kale farta lagu fiiqay ka dib markii uu xildhibanka Kapseret Oscar Sudi jeediyay hadal lagu eedeeyay inuu aflagaa deeyay Madaxweyne Kenyatta hooyadiis
Xoghayah xisbiga Jubilee ayaa sheegay in guddiga qaran ee maaryanta ay ku heshiyeen in in Ruto aan loo oglaan doonin inuu howlhiisa siyasadeed ka wato xaruunta dhexe ee xisbiga Jubilee.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here