Kaarka Huduma Number oo diyaar ah

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo maanta khudbad qaran ka jeediyay munaasabadda xuska maalinka halyeeyada oo lagu qabtay garoonka Gusii Stadium ee ismaamulka Kisii ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in wax laga beddelo dastuurka wadanka u degsan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaysan micnaheedu ahayn inuu u ololeynaya sidii loo sameyn lahaa jagooyin dhanka hoggaanka oo dheeraad ah oo ay ka faa’iidaysanayana siyaasiyiinta.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in Kenya ay u baahan tahay nidaam dhanka dastuurka oo horseedaya in qowmiyad kasta ay matalaad ku lahaato dowladda.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in isbeddelada dastuuriga ay fududeyn doonaan in si siman loo qaybsado kheyraadka wadanka.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale u mahadceliyay halyeeyadii naftooda u huray xornimadii ay Kenya ka qaadatay guumaystihii ingiriiska.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ammaanay saraakiisha waaxyaha kala duwan sida amniga, difaaca, waxbarashada , caafimaadka iyo maamullada kale ee shacabka u adeega.
Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo lagu wado in dhawaan warbixinta labaad ee guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI shaaca laga qaado.
Dabaaldegga qaran ee Mashujaa Day waxaa sanad kasta la qabtaa 20-ka bisha Tobnaad oo maanta ku beegan.
Mashujaa waa erey luuqadda sawaaxiliga ah oo loola jeedo geesiyaal ama halyeeyo.
Waxaa xuskan loogu talagalay in la maamuuso nolosha geesiyaashii u soo halgamay madax bannaanida Kenya ee 1963-tii.
Xuskan waxaa horay loo yaqaanay Kenyatta Day, oo loogu magacdaray madaxweynihii koowaad ee dalka Mzee Jomo Kenyatta.
Dabaaldegga maanta ee Mashujaa Day waa kii 11-aad ee la qabto tan iyo intii la soo saaray dastuurka hadda wadanka u degsan ee 2010-kii.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo isaga iyo marwada koowaad ee wadanka Margaret Kenyatta lagu wareejiyay kaarkooda adeegga Huduma ayaa saraakiisha kala duwan ugu baaqay inay dardargeliyaan soo saaridda kaarkan si shacabka ay ugu fududaato helidda adeegyada dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here