kafa’ideyso 10 xigmadood oo wax ku ol ah

1. Saburku ma aha ilaa waqtiga aad sugi karto, balse waa sida wanaagsan aad u dhaqmi karto inta aad sugeyso. Marnaba ha is oran way kaa daaheen wixi aad sugaysay ama weligaa ma helaysid
2. Haddii ukunta banaanka laga jebiyo, nolosheedi waa dhamaataa. Haddii gudaha laga jebiyo noloshi waa u bilaabataa oo digaagad yar baa dhalata. Noloshaada & wax kastoo sareeya waxay ka bilowdaan gudaha, marnaba ha sugin wax banaanka kaaga yimaada in ay ku bedelaan ama farxad kuu keenaan
3. Dadka qaarkii marnaba ma lunto quruxdooda si kasta oo ay u weynaadaan, da’na ugu darsanto, sababtoo ah quruxdoodu marnaba ma ahayn wejiga, waxay ahayd Qalbiga
4. Ma joojin karno dhibaato in ay dhinaceena soo aado oo noo timaado, laakiin waxaan awoodi karnaa in aynaan siin dhibaatada Kursi ay ku fariisato oo nagula joogto
5. Guusha dadka kale ma aha Adiga Guuldaradaada ama Fashilkaaga, marnaba ha ka xumaan qof kale Guul uu gaaray. Is diyaarin, dadaal badan, doonid joogta ah, Dulqaad & Duco ayaa inta badan ah sababaha Guusha
6. Dulqaad yari iyo deg-deg waa xididka dhibaatadaada, ma qasbi kartid Nolosha inay ku siiso Jawaabo ama sidaad rabto wax kasta u dhacaan, waa inaad ogaataa in culays kasta fudayd ka dambeeyo. Waa in aad aqbashaa in wax kasta waqti qaataan
7. Ha ka dhigan farxadaada in ay ku xirnaato wax waqti kooban ah ama wax aad waayi doonto, Alle raali gelintiisa ka raadso Farxad sababtoo ah isaga keliya ayaa Baaqi ahaanaya
8. Faynuustu ma hadasho. Waxay isku soo bandhigtaa iftiinkeeda. Kuwa guuleystay marnaba ma aha inay naftooda buun-buuniyaan, balse waxqabadkooda ayaa la rabaa inuu soo bandhigo oo hadlo
9. Haddii aad Qalbigaaga wada siiso qof, way dhaawacayaan, wada sii Qalbigaaga Alle SWT, isagaa kuu toosinaya, kuuna xoojinaya
10. Daacad u noqo laakiin ha oggolaan in lagu isticmaalo, Jeclow laakiin ha oggolaan in Qalbigaaga la jebiyo, Aamin laakiin ha noqon qof fudud, Dhageyso dadka kale laakiin ha oggolaan in aad adigu codkaaga weydo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here