Kakamega oo in ka badan 100 milyan u qoondeysay wacyigelinta Coronavirus

Gudoomiyaha ismaamulka Kakamega , Wycliffe Oparanya ayaa sheegay inay lacag dhan 110 milyan oo shilin u qoondeeyeen wacyigelinta dadweynaha.
Waxaa uu xusay in lacagtan loo adeegsan doono in shacabka la fahansiiyo cudurka.
Mr. Oparanya ayaa sido kale maamulayaasha deegaan baarlamaneedyada iyo deegaannada hoose ee loo yaqaano Wards ku amray inay feejignaan dheeraad ah muujiyana oo ayna dadweynaha ku booriyaan ilaalinta nadaafadda.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo xalay laba kiis oo laga shakisan yahay laga soo tabiyay deegaannada Navakholo iyo Khwisero ee ismaamulka Kakamega.
Madaxa fulinta waaxda caafimaadka ee dowlad deegaankaas Beatrice Etemesi ayaa arrintan warbaahinta u xaqiijisay.
Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda ay meel gaar ah geeyeen saddex qof oo looga shakiyay caabuqa Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here