Kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka koonfur Galbeed oo maanta furmayo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay sidoo kalena ah Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah lagu qabto munaasabada Furitaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-geli doona madax uu kamid yahay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari & wufuud kala duwan oo ka kala socda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira.
Mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa munaasabadda furitaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaay halkaasi ka jeedin doonaan khudbado kala duwan oo ay kaga hadlayaan xaalada dalka.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa la filayaa in munaasabadda uu khudbad ka jeediyo, taasoo uu uga hadli doono xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo xaaladaha kajira degaannada Koonfur Galbeed.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta aad loo adkeeyay, iyadoo agagaarka Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed lagu arkayaa Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo Amniga xaqiijinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here