Kalkaaliyaasha isbitaalka Pumwani oo shaqa joojin billaabay

Kalkaaliyaasha ka howlgalo isbitaalka umusha ee Pumwani ee magaaladatani Nairobi oo gaaraya 65 ayaa maanta guda galay shaqa joojin.
Waxay doonayaan in la siiyo lacago ka maqan ilaa bishii Tobnaad ee sannadkii hore.
Afhayeenka kalkaaliyaasha Patrick Mwendwa ayaa sheegay inay hanjabaad kala kulmeen maamulka isbitaalka sidaas awgeedna ay dowladda ka dalbanayaan inay wax ka qabato cabashadooda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay xilli hore qorsheeyeen inaynan iska xaadirin isbitaalka balse loo caga jugleeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here