Kalkaaliyayaasha dalka oo aqalka sare ka dalbaday inuu soo afjaro qaabka lagu qaybsanayo dakhliga

Ururka qaran ee ay ku mideysan yihiin kalkaaliyayaasha wadanka ee (KNUN) ayaa aqalka sare ka dalbaday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gabagabeeyo muranka la xiriira nidaamka ismaamullada wadanka ay ku qaybsanayaan dakhliga.
Ururkan ayaa wacad ku maray in xubnaha ka tirsan ay shaqo joojin ku dhaqaaqayaan hadii senetarrada aynan xal kama dambeys ah soo saarin.
Xoghayaha guud ee dalladda kalkaaliyayaasha wadanka Mr. Seth Panyako ayaa sheegay in arrinkan oo marba marka ka sii dambeysa dib loo sii dhigaya ay sabab u noqotay in qaar ka mid ah kalkaaliyaasha ka howlgalo dowlad deegaanada aynan mushaar helin.
Xubnaha senate-ka ayaa ku kala qeybsan ansaxinta nidaamka saddexaad ee ismaamullada ay ku qaybsanayaan 316 bilyan oo shilin.
Mr. Panyako ayaa xusay in iyagoo kaashanaya ururada kale ee howlwadeenada caafimaadka ay shaqo joojin guda galayaan maalinka isniinta ee 10-ka bishan sideedaad hadii aan intaa ka hor la soo saarin xal lagu qanci karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here