Kalkaaliyayaasha dalka oo dalbanaya tababar ku aaddan Coronavirus

Kalkaaliyayaasha dalka ayaa dowladda ka dalbanaya inay howlwadeenada caafimaadka siiso tababaro ku filan oo la xiriira la tacaalidda caabuqa Coronavirus.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in hadii dowladda aynan sidan sameyn oo uu caabuqa Corona wadanka soo gaaro ay dhibaato weyn ka dhalan karto.
Baaqan waxaa soo jeediyay qeyb ka mid ah ururada kalkaaliayaasha dalka ee (KPNA).
Guddoomiyaha ururkan Michael Nyongesa ayaa carrabka ku dhufatay in kalkaaliyayaasha ka howlgalo gudaha wadanka aysan lahayn aqoon iyo awood ku filan oo ay Coronavirus ku maareyn karaan hadii Kenya lagu arko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here