Kalkaaliyayaasha Talyaaniga oo dalbanaya mushaar kordhin

Kalkaaliyayaasha ka howlgalo isbitaallo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Milan ee dalka Talyaaniga ayaa shaqa joojin billaabay.
Waxay doonayaan in mushaar kordhin loo sameeyo sido kalena la shaqalaysiiyo saraakiil caafimaad oo dheeraad ah.
Kalkaaliyaasha ayaa lagu ammaanay inay kaalin weyn ka qaadanayaan la dagaalanka cudurka Covid-19 balse waxay dhanka kale ka cabanayaan inay yihiin kuwo ugu mushaaraadka yar qaaradda Yurub.
Ugu yaraan 40 kalkaaliyayaal ah ayaa gudaha Talyaaniga ugu dhimatay cudurka Covid-19.
Wadankaas waxaa laga diiwaangeliyay in ka badan 235,000 xaaladood oo coronavirus ah iyo dhimasho kor u dhaafaysa 34,000 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here