Kalonzo Musyoka oo ka soo horjeestay heer dowladeed oo saddexaad

Madaxa xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka ayaa ka soo horjeestay soo jeedinta ah in la soo dhiso heer dowladeed oo saddexaad.
Waxaa hadda dalka ka jiro heerarka maamulka ee kala ah dowladda dhexe iyo ismaamullada.
Hasa ahaate waxaa horay u jirtay soo jeedin ah in la soo dhiso heerka maamul goboleedyada iyadoo la adeegsanaya guddiga mideynta iyo dib u heshiisiinta shacabka ee BBI.
Xilli uu ku sugnaa maqaaxida Maanzoni ee Machakos ayuu Musyoka sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo nidaamka dowlad wadaajinta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo sanduuqa horumarinta deegaanada hoose.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here