Kalonzo Musyoka oo loo magacaabay ergeyga gaarka ah ee dhanka nabadda ee Suudaanta koonfureed

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu madaxa xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka u magacaabay ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan ka shaqeynta nabadgaliyada wadanka Suudaanta Koonfureed.
Kalonzo oo horay u soo noqday madaxweyne ku xigeen ayaa loo xilsaaray inuu dabagal ku sameeyo arrimaha nabadda iyo xasiloonida jamhuuriyaddaasi.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in magacaabidda siyaasigan ay qeyb tahay kaalinta dowladda Kenya ay ka qaadanayso in xasilooni buuxda lagu soo dabbaalo Suudaanta Koonfureed oo ay dagaallo sokeeye ka jireen tan iyo sannadkii 2013-kii.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Twitarka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa Dr Kalonzo Musyoka loogu hambalyeeyay xilka cusub ee loo igmaday.
Waxay wasaaraddu sheegtay in mas’uulkan ay ku garab istaagi doonto taageero waliba oo dhanka shaqada ah .
Magacaabidda hoggaamiyaha xisbiga Wiper ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Mr.Salva Kiir uu booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here