Kalonzo Musyoka oo sheegay inuunan Raila taageeri doonin doorashada xigta

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa shaaca ka qaaday inuu sannadka 2022-ka xilliga doorashada guud isku soo sharixi doono xilka madaxtinimo ee wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuunan taageeri doonin madaxa mucaaradka ODM Raila Odinga.
Mas’uulkan ayaa intaas ku daray inuu Raila soo dhisay ama taageerayay labadii doorasho ee ugu dambeeyay sidaas awgeedna codeynta xigta haddii uu isbeheysi jirayo iyo hadii kaleba uu ka mid nonqonayo musharaxiinta u tartamaya hoggaanka ugu sarreeya ee wadanka.

Mr. Musyoka ayaa sido kale beeniyay inuu ka mid yahay xulafada siyaasadeed ee ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto wuxuuna hoosta ka xarriiqay inuu la shaqeynaya oo keliya maamulka talada haya balse aynan micnaheedu ahayn inuu siyaasad ahaan ku biiray.

Kalonzo Musyoka ayaa dhanka kale sheegay in urur weynaha mucaaradka Nasa uu weli shaqeynayo in kastoo Raila Odinga uu hadal midkan ka duwan maalmo ka hor jeediyay.
Raila ayaa dhawaan sheegay in jiritaanka Nasa ay ugu dambeysay markii looga guulaystay doorashadii madaxtinimo ee la soo dhaafay , hasa ahaate madaxa xisbiga Wiper ayaa ku adkeysanaya inaan weli la saxiixin heshiis rasmi ah oo meesha ka saaray isbeheysigan siyaasadeed.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka Citizen oo ka mid ah warbaahinnada maxalliga ee dalka ayuu Kalonzo sido kale ku sheegay inaynan wax saameyn siyaasadeed ah quddiisa ku yeelan doonin in saddexda guddoomiye ee ismaamullada Machakos, Kitui iyo Makueni ay u muuqdaan kuwo siyaasad ahaan garabsanaya Mr. Raila Odinga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here