Karaani cusub oo loo dhaariyay goloha hoose Nairobi

Waxaa maanta xilkiisa loo dhaariyay Karraaniga cusub ee Golaha hoose ee magaaladatan Nairobi Edward Gichana si kaalin uga qaata howlaha ka socda dhismaha City hall.
Waxaa xilka u dhaariyay Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Nairobi, Beatrice Elachi.
Waxaa aad loo adkeeyay amniga goobta ay dharista ka socotay iyadoo la arkayay xubno ka tirsan golaha hoose ee magaaladatan Nairobi oo bannanbax ka dhigay bannanka dhismaha City Hall.
“Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo xubnaha ansixinta Karaaniga, ayay tiri,” guddomiyaha goolaha hoose ee Nairobi Beatrice Elachi waxayna dhanka kale xustay in gudon doonaan waajibaadkooda.
Dhanka kale Edward Gichana ayaa dhankiisa uga mahadceliyay hoggaaminta iyo fursadda loo siiyay in uu noqdo Karraaniga goolaha hoose ee Nairobi.
Dhaarista muranka dhalisay ayaa ku soo aaday maalin uun kadib markii Elachi ay wacad ku martay inay diidi doonto dib u soo celinta Jacob Ngwele oo ay goolaha hoose ee Nairobi dorteen.
Ngwele oo xafiiska ka maqnaa ilaa Nofembar ee sanaadkii 2019, kadib markii Elachi warqad u qortay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC, iyadoona sheegtay in horaan uu is daba marin sameeyay sidoo kalena lagu aamini karn jagadaasi
Maxkamadda iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka ee Eacc ayaa sheegay in uu si sharci ah uu xafiiska ku joogo Ngwele.
Elachi ayaa ku adkaysanaysa in isku day kasta oo ah in Ngwele xafiiska dib loogu soo celiyo ay sharci darro tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here