KDF oo 12 ka mid ah Al-Shabaab ku dishay Lamu

Ciidamada difaaca dalka ee (KDF) ayaa sheegay in shalay 12 ka mid ah Al-Shabaab ay uga takhaluseen howlgal ay ka fuliyeen keynta Boni ee ismaamulka Lamu, gobolka xeebta .
Saraakiisha milatariga dalka u qaabilsan howlgallada gaarka ah ayaa dilkan gaystay.
Dagaalyahannada ayaa lagu dilay weerar xilli ay ku sugnaayeen xerada Korisa Kotile oo ay in muddo ah ku dhuumaaleysanayeen.
Wararka ayaa intaas ku Daraya in sido kale saraakiisha ay gacanta ku soo dhigeen qoryaha nooca AK-47.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here