KDF oo beenisay in ciidamadeeda ay dhuunteen xilligii la weeraray Lamu

Waaxda ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay qoraalka wargeyska ka soo baxo gudaha Maraykanka ee The New York Times kaasoo lagu sheegay in saraakiisha gaashaandhigga ee dalka ay Dhuunteen xilli weerar lagu qaaday saldhiga milatari ee Manda Bay ee Lamu.
Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Milatari oo Maraykan ah ayaa ku warramay in ciidamada ay cawska isku qariyeen.
Wargeyska the New York Times ayaa intaas ku daray in saraakiisha ciidamada Maraykanka ay aad uga niyad jabeen ciidanka Kenya, kadib weerarkii Manda Bay.
Hasa ahaate afhayeenka KDF Paul Njuguna ayaa warbixinta ku tilmaamay mid la yaab leh.
Paul Njuguna ayaa beeniyay in ciidanka Kenya ay gabaad ka dhigteen cawska.
Waxaa uu su’aal geliyay sababta hadda ku soo beegtay iyadoo dhanka kale la sugayo in la soo gabagabeeyo baaritaano ku aaddan weerarkaasi iyo qaabkii ciidamada ay kaga falceliyeen.
Mr. Njuguna ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in xaqiiqda jirta la ogaan karo oo keliya marka warbixin kama dambeys ah la soo bandhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here