Kemsa oo shaqada ka joojisay aggasimaha waaxda iyo masuuliyiin kale

Waxaa shaqada laga joojiyey madaxa fulinta maamulka qeybiya daawooyinka dalka ee (KEMSA) Dr Jonah Manjari , agaasiamha ganacsiga Eliud Murith iyo agaasimaha waaxda iibka Charles Juma.
Shaqa joojinta lagu sameeyey masuuliyintaan ayaa waxay ka soo baxday guddiga maamulka sare maadaama ay socdaan baaritaan lagu waddo qalabya lasoo iibiyey si loogu adeegsado ka hortaga cudurka Covid19 iyo arima kale oo ku saabsan waaxda la dagaalanka musuqa ee dalka EACC.
Haseyeeshe , guddiga maamulka sare ayaa si ku meel gaar ah waxay madaxa fulinta ugu soo magacaabeen Edward Njoroge Njuguna .
Waxaa kaloo xilka agaasimaha ganacsiga loo magacaabay Edward Buluma halka Dr George Walukana si ku meel gaar ah u ahaan doonna agaasimaha waxda iibka ee maamulka daawooyinka dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here