Kenya Airways oo Arbacada hakinaysa duulimaadyada caalamiga

Shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in laga billaabo Arbacada soo socoto ay joojin doonto duulimaadyadii caalamiga ahaa ee ay diyaaradaheeda ku tagi jireen wadamada kale ee dunida.
Macaamiisha ayaa arrintan laga raali geliyay waxaa uuna maamulka shirkadda sheegay inuu u hoggaansamayo amarkii dowladda ka soo baxay.
Hasa ahaate waxaa sii shaqeyn doono duulimaadyada sida xamuulka gaar ahaan kuwa gargaarka.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay in Arbacada oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bishan saddexaad saacaddu marka ay tahay 12-ka habeenimo la hakin doono duulimaadyada caalamiga.
Shaqaalaha diyaaradaha xamuulka ayaa laga doonaya inay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad.
Dadka wadanka soo galaya wixii ka horreeya Arbacada meel gaar ah oo ay dowladda ugu talagashay ayaa lagu karantiilaya.
Waddamada doonaya inay muwaadiniintooda ka daadgureyaan Kenya waxaa lagu amray inay sidaas sameeyaan ka hor Arbacada.
Kenyaanka ku nool qurbaha ee aan ka hor Arbacada dib ugu soo laaban waddanka waxaa laga doonaya inay u hoggaansamaan amarrada laga soo saaray dalalka ay ku sugan yihiin.
Wasiirka ayaa sheegay in markii dowladda ay Kenyaanka iyo ajaaniibta haysta degganaanshaha wadanka u ogolaatay inay dalka soo galaan, qaar ka mid ah aynan is-karantiilin sidaas awgeed waxaa hadda kaddib lagu sameynayaa karantiil Khasab ah muddo 14 cisho ah .
Intaas kaddib cidii diiddo inay u hoggaansanto talada ah si iskaa isku karantiil, gacanta ayaa lagu dhigaya si dacwad loogu soo oogo.
Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay sarkaal sare oo dowladeed oo ku sugan ismaamulka Kiifi ee gobolka xeebta kaasoo diiday inuu iskarantiilo.
Sido kale wasiirka ayaa ardayda Kenyaanka ee ka soo laabanaya wadamada sida Maraykanka, Ingiriiska iyo kuwa kale kula taliyay inay amarkan ilaaliyaan oo aynan marnaba isku dayin inay diidaan in la karantiilo.
Wasiirka ayaa dhanka kale soo jeediyay in dadka da’yarta ah ee dalka dib ugu soo laabanaya aynan ku dhawaan waayeellada maadaama sida uu sheegay ay soo baxday in waayeelka uu cudurkan u nugul yahay sidaas awgeedna kuwo badan ay qaab noocan oo kale ah ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here