Kenya iyo Ingiriiska oo yeelanaya shir heer sare ah

Dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ayaa sanadka 2021-ka si wadajir ah u qabanaya shir lagu tilmaamay mid heer sare ah.
Kulankan ayaa la filayaa in qodobada ka soo baxo ay fududeyaan in canug kasta oo caalamka ku nool uu waxbarasho helo.
Fayraska corona ayaa saameyn ku yeeshay 1.3 bilyan oo carruur ah oo ay ka mid yihiin 650 milyan oo gabdho ah.
Khuburada tacliinta ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in arday badan aysan dugsiyada dib ugu laaban maadaama shacabka ku nool wadamo badan ay wajahayaan caqabado dhaqaale.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here