Kenya iyo Maraykanka oo ku heshiiyay xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada

usa america kenya half country language flag

Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa ku heshiiyay inay sare u sii qaadaan iskaashiga ka dhexeya ee la xariira la dagaalanka argagixisada.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa sheegtay in caqabadda ugu weyn ee saamayn karto xariirka ganacsi ee labada dal ay tahay argagixisada sidaasi awgeedna loo baahan yahay in si dhow looga wada shaqeeyo la tacaaliddeeda.
Khudbad ay ka jeedisay magaalada Washington ayay wasiiraddu ka sheegtay in xita hadii si weyn loo xoojiyo ganacsiga ka dhexeya labada dal oo uuna jiro jawi wanaagsan oo dhaqaalaha lagu kobcin karo weli ay lagama maarmaan tahay in argagixisada la cirib tiro si loo dabargooyo halista Al-shabaab.
Dr. Juma iyo dhigeeda wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’I ayaa ku sugan Maraykanka waxaynaha.
Arrinkan ayay ka hadashay kaddib markii ay ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka John Sullivan ay la saxiixday heshiis istaraatiiji oo laba geesood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here