Kenya iyo Maraykanka oo uu Maanta u Furmayo Kulan Laba Geesood ah

Wafdi  ka socdo  Kenya  oo   ay hoggaaminayaan wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma iyo dhigeeda  arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi  ayaa   maanta   magaalada Washington kulan kula qaadan doono  saraakiil  matalaysa  Maraykanka.

Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay  ee    dhinacyada kala duwan ay  yeelanayaan wada hadalo  istaraatiiji oo laba geesood ah.

Labada  dowladood ee   Kenya iyo Maraykanka ayaa  si gaar  ah uga  wada hadli doono  sii xoojinta iskaashiga dhanka amni ee  ka  dhexeya in kastoo  ay  eegi doonaan  sare u qaadidda  xariirka dhaqaale.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa lagu sheegay in wada  hadalada xoogga  lagu saari doono la dagaalanka argagixisada, tageeridda  ciidamada booliska iyo  sugidda  amniga xuduudda Kenya ay la leedahay Soomaaliya iyo wadamada kale ee dariska la ah.

Labada  dhinac ayaa     saxiixi doono  heshiis ku aaddan  qorsho howleedka   amniga  iyo maamul wanaagga ee  ku  saleysan wada xaajoodka  istaraatiijiga ah.

Kenya  ayaa Maraykanka u dhoofiso   badeecooyin   qiimo  ahaan ku kacaya   in ka badan 40 bilyan oo shilin.

Bishii sideedaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka  Mr. Uhuru Kenyatta  uu la  kulmay dhigiisa  Maraykanka  ,Donald Trump taasi  oo sare u sii qaadday xariirka  iyo iskaashiga ka dhexeya labada dal.

Mr. Kenyatta ayaa xilligaasi safar ku tagay Maraykanka  waxaa uuna Trump  kala hadlay    arrimaha ammaanka , maamul wanaagga  , ganacsiga  iyo maalgashiga.

Wasaaradda arrimaha  dibadda ee dalka ayaa  sheegtay  in kulanka   maanta  furmaya sido kale    diiradda lagu saari doono  dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, gaashaandhigga  , dimuqaradiyadda iyo  maamul wanaagga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here