Kenya iyo Nicaragua oo heshiisyo dhowr ah kala saxiixday

Dowladaha Kenya iyo Nicaragua ayaa kala saxiixday heshiisyo ay isaga kaashanayaan arrimaha tamarta, dhaqanka iyo maalgashiga.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday qoraal ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta ee madaxtooyada wadanka.
Heshiisyadan ayaa qalinka lagu duugay kaddib kulan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Nicaragua Denis Moncada ku dhex maray xarunta State House.
Wasiirka ayaa dhanka kale ah ergay gaar oo matalaya madaxweynaha dalkaas Daniel Ortega .
Mr Moncada ayaa Mr. Kenyatta u sheegay inay qorsheynayaan inay xoojiyaan dibloomaasiyadda kala dhexeysa wadamada qaaradda Afrika.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladda Nicaragua ay dareensantahay in Kenya ay tahay goobta laga soo geli karo maalgashiga qaaradda.
Mr Moncada ayaa intaas ku daray inay gudaha Afrika ka furi doonaan safaarado dhowr ah si loo xoojiyo wada shaqeynta dhanka ganacsiga iyo dhaqanka.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa soo dhaweeyay in dowladda Nicaragua ay daneynayso sare u qaadidda xiriirka kala dhexeya Kenya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dalka uu diyaar u yahay heshiis iyo iskaashi kasta oo labada dhinacba ay faaiido ugu jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here