Kenya iyo Ruushka oo ku heshiiyay soo dhisidda golaha arrimaha ganacsiga

Wadamada Kenya iyo Ruushka ayaa wada saxiixday heshiis ah in la soo dhiso gole ka shaqeynaya in kormeer lagu sameeyo barnaamiyada ganacsiga iyo maalgashiga ee ka dhexeya.
Wufuud labada dal matalaya ayaa ku kulmay magaalada Sochi ee Ruushka .
Waxaa halkaasi ka socdo kulan ay ka qeyb galayaan madax uu ka mid yahay hoggaamiyaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta iyagoo diiradda saaraya xoojinta iskaashiga Ruushka kala dhexeya dalalka qaaradda Afrika.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa dalkaasi Vladimir Putin ayaa sheegay in soo dhisidda golahan ay fududeyn doonto fulinta qorshayaasha dhinaca ganacsiga, maalgashiga iyo horumarka.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in la doonayo in sare loo qaado isdhexgalka shacabka labada wadan.
Waxaa uu sido kale soo jeediyay in Kenya iyo Ruushka ay si weyn isaga kaashadaan arrimaha nabadda , maalgashiga, gaashaandhigga, tamarta, dalxiiska , dhaqanka, sayniska iyo tiknolojiyadda.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa carrabka ku adkeeyay in Kenya ay tahay wadanka labaad ee qaaradda oo uu iskaashi ganacsi kala dhexeyo Ruushka hasa ahaate weli ay jiraan waxyaabo ku saabsan dhaqaalaha oo aan laga wada faaiidaysan.
Madaxweynaha ayaa sido kale sheegay inay lagama maarmaan tahay in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska duulimaadyada si labadan waddan ay si toos ah ugu kala gooshaan diyaaradaha xamuulka qaado.
Kenya ayaa Ruushka u dhoofiso waxyaabo ay ka mid yihiin caleenta shaaha, qaxwada iyo qudaarta halka dhanka Moscow laga soo dejiyo dalagga ,bacrinimta iyo agabyada alxanka.
Mr. Kenyatta ayaa ganacsatada wadankaasi ku booriyay inay yimaadaan dalka oo ay sameyaan maalgashi la xariira wax soo saarka, guriyeynta iyo adeegyada caafimaadka .
Madaxweynaha ayaa sheegay in Kenya ay dhanka kale doonayo inay ka faaiidaysato aqoonta iyo waaya aragnimada xeel dheer ee Ruushku uu u leeyahay soo saaridda tamarta.
Sido kale waxaa uu hoggaamiyaha dalka dowladda Ruushka ka codsaday inay kordhiso deeqaha waxbarasho ee ay bixiso gaar ahaan kuwa ku saabsan culuunta injineernimada , caafimaadka iyo dhammaan tacliinta sayniska.
Khudbad uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ka jeediyay shirka Ruushka ayuu ku sheegay in ka shaqeynta nabadda ay qeyb ka tahay siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qaaradda Afrika iyo guud ahaan caalamka ay ka jirto halis amni darro oo uga imaanaysa dhanka argagixisada, burcad badeedda , falal dambiyeedyada lagu fuliyo intarneetka iyo sido kale tahriibka ama musaafurinta aadanaha.
Waxaa uu sido kale soo hadal qaaday isbeddelka ku yimaado cimilada oo uu sheegay in la doonayo in si buuxda looga wada shaqeeyo wax ka qabashadeeda.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dhankiisa dowladda Kenya ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayso la dagaalanka falalka argagixiso iyo xagjirnimada sameysay bariga iyo geeska Afrika.
Waxaa uu intaasi ku daray in xukuumadda Moscow ay ka go’atahay in laga dhabeeyo heshiisyada lala galay Kenya iyadoo mudnaanta koobaad la siinayo ganacsiga iyo maalgashiga si uu u jiro kobac dhaqaale .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here