Kenya iyo Tanzania oo xallinaya muran dhawaan soo kala dhex galay

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Tanzania John Pombe Magufuli oo Khadka taleefoonka ku wada hadlay ayaa ku heshiiyay in xal loo helo muran dhawaan soo baxay.
Tani ayaa timid kaddib markii Kenya ay xirtay xadka ay Tanzania la wadaagto si loo xakameeyo faafitaanka cudurka covid-19.
Tallaabadaas ayaa saameyn ku yeelatay howlaha gaadiidka maadaama darawaliinta baabuurta xamuulka oo fayraska corona laga baaray qaar ka mid ah laga helay.
In ka badan 20 ka mid ah wadayaasha baabuurta xamuulka ee Tanzania oo doonayay inay wadanka soo galaan ayaa laga celiyay Namanga kaddib markii la ogaaday inay cudurka covid-19 qabaan.
Dowladda Tanzania ayaa dowladda Kenya ku eedeysay inay takoor kula kacday muwaadiniinteeda kaxeeya gawaarida xamuulka qaado.
Sabtidii ayay ahayd markii isku duwaha ammaanka ee gobolka Tanga ee dalka Tanzania Martin Shigella uu sheegay inuunan jirin darawal Kenyaan ah oo kaxeynaya baabuur xamuul oo loo ogolaan doono inuu gudaha u galo Tanzania.
Hasa ahaate madaxweynaha wadankaas ayaa Mr. Kenyatta u sheegay in la tacaalidda cudurka safmarka ah ee COVID-19 uunan saameyn ku yeelan doonin xiriirka ka dhexeya labada dal.
Labada madaxweyne ayaa ku heshiiyay in wasiirrada gaadiidka ee Kenya iyo Tanzania iyo sido kale saraakiisha maareya xuduudda ay kulmaan si ay xal waara uga soo saaraan khilaafka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here