Kenya iyo Uganda oo heshiisyo kala saxiixday

Dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Uganda ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo ay ka mid tahay sida ay isaga kaashan karaan arrimaha nabadgalyada.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa Uganda Yoweri Museveni ayaa isku afgartay in labada wadan ay ka wada shaqeyaan sidii loo xoojin lahaa horumarinta iyo wada noolaanshaha qowmiyadaha Turkana, Pokot iyo Karamojong .
Barnaamijkan ayaa looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaad mararka qaar soo kala dhex gasho bulshooyinkan dariska ah.
Qorshahan waxaa taageereysa qaramada midoobay waxaana lagu heshiiyay inuu ka shaqeeyo guddi iskudhaf ah oo labada wadan matalaya.
Waxaa xal loo raadinaaya kheyraadka sida biyaha iyo daaqa oo ay inta badan dagaaladu salka ku hayaan.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa xilli uu ku sugnaa magaalada Moroto waxaa uu soo dhaweeyay heshiiskan isagoo ku tilmaamay mid horumar u horseedayo gobolka.
Mr. Kenyatta ayaa sido kale sheegay in waxyaabaha ay isla meel dhigeen dowladda Kenya iyo Uganda ay sido kale xuduudda ay labada wadan wadagaan ka dhigayaan aag nabadeed oo uu horumar ka jiro.
Madaxweynaha Uganda Mr. Museveni ayaa dhankiisa hoggaamiyaha dalka uga mahadceliyay isbeddelo dhowr ah oo uu ka saameeyay dhinaca xuduudda.
Waxaa uu dhanka kale qaramada midoobay ka codsaday inay kaalin ka qaadato sidii deeq bixiyaasha caalamka iyo hay’adaha horumarka looga dhaadhicin lahaa inay maalgeliyaan dhisidda waddooyin isku xiraya magaalooyinka bariga Afrika.
Labadan mas’uul ayaa sido kale xariga ka jaray ceel biyoodka Kebebe oo qaadaya 2.3 milyan Cubic oo ah cabbirka biyaha.
Ceel biyoodka ayay dowladda Uganda ku dhistay dhaqaale gaaraya 2.5 milyan oo doolar waxaana ka faaiidaya in ka badan 1.5 milayn oo xoolo ah oo ay dhaqdaan bulshooyinka Turkana iyo Karamojong .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here