Kenya oo 5 bilyan ka heshay bangiga adduunka

Bangiga adduunka ayaa dalka ugu deeqay lacag dhan 5.2 bilyan oo shilin oo u dhiganta 50 milyan oo doolar.
Dhaqaalahan ayay Kenya u adeegsan doontaa la tacaalidda cudurka Covid-19.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in lacagtan ay sii kordhin doonto kheyraadka Dowladda ee loo isticmaalaya xakameynta faafitaanka xanuunka.
Waxaa lagu qarash gelin doonaa in lagu soo iibiyo gacma nadiifiyaha loo yaqaano Hand sanitizer, maaskaro iyo in la badiyo sariiraha lagu seexiyo bukaannada uu cudurka soo ritay.
Deeqda bangiga adduunka uu soo gaarsiiyay dalka ayaa ku soo aadaysa iyadoo shalay la shaaciyay tiradii ugu badneyd ee kiisaska Coronavirus ee hal maalin gudaha wadanka laga diiwaangeliyay .
22-ka qof ee uu shalay wasiirka caafimaadka sheegay ayaa isugu jiro 18 Kenyaan ah , laba Pakistaan ah iyo laba dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Waxay ka mid ahaayeen 300 oo qof oo la karantiilayay kuwaasoo baaritaano lagu sameeyay.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay inay suurtagal tahay in faafitaanka cudurka ee gudaha wadanka uu sii kordho maalmaha lagu soo aaddan.
Bishii hore ayay ahayd markii maalqabeenka u dhashay Shiinaha ee Jack Ma uu dalka ugu deeqay 25, 000 oo ah qalabka lagu baaro Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here