Kenya oo aan ku guulaysan wareegga koobaad ee codeynta golaha UNSC

Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirto inay ku guulaysato wareegga labaad ee codeynta ee maanta dhacaya kaasoo ay ku doonaysa inay uga mid noqoto golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Tani ayaa timid kaddib markii shalay aynan u suurtagalin inay hesho tiradii codadka ee looga baahnaa.
Wareegii koobaad ee codeynta Kenya ayaa heshay codad dhan 113 halka Jabuuti oo la tartamaysa ay soo hooysay 78 codad ah.
Hasa ahaate shuruucda doorashooyinka ee golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa dhigaya in si waddan ay guusha u raacdo laga doonayo inay codkooda ku taageeraan ugu yaraan saddex meelood laba meel xubnaha qaramada midoobay.
Hadii ay Kenya ku guulaysato codeynta maanta waxay si aan joogto ahayn uga mid noqonaysaa golaha UNSC.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladda ay dadaal badan ku bixinayso sidii ay kaga miro dhalin lahayd ololihii ay in muddo ah soo waday.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ololaha dowladda oo cod lagu taageero ay kaalin weyn ka qaadanayso ammaanka caalamka.
Mr. Kenyatta oo tusaale u soo qaatay kaalinta ay Kenya ka qaadatay arrimaha nabad sugidda ee Soomaaliya ayaa xusay inay u qalmaan in taageero loo muujiyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay ka dowlad ahaan ka go’antahay inay qaaradda Afrika ku matalaan golaha UNSC.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu kulan dhanka online-ka la qaatay wakiillada sida joogtada ah dalalka kala duwan ugu matalo qaramada midoobay.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ka jawaabayay su’aalo uu weydiiyay wakiilka Singapore ee qaramada midoobay Burhan Gafoor ayaa sheegay inay xoogga saari doonaan sidii goluhu uu u ansaxin lahaa heshiis ku aaddan la tacaalidda khatarta weerarrada dhanka intarneetka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mrs. Raychelle Omamo ayaa wakiillada ka codsatay inay u codeyaan Kenya.
Wakiilka qaramada midoobay ee dalka Algeria Sofiane Mimouni ayaa Kenya u muujiyay tageero ku aaddan ololaha ay waddo wuxuuna sheegay inay wax badan ku biirin doonto amniga caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here