Kenya oo aan maanta laga diiwaan gelinin wax dhimasho ah

Wasarada caafimdaka ayaa sheegtay inay jirin bukaan ka mid ah bukaanada Coronavirus oo u dhintay xanuunka 24-kii saac ee anu soo dhaafnay isla markanaa tirade guud ee dhimashada taagantahay 567.
Xili manta warbixinta maalinlaha la wadaagaye Kenyanka asaga oo ku sugan aqalka Caafimadka ayaa xoghyaha maamulka wasaarada Dr.Rashid Aman waxa uu sheegay in 241 qof laga helay xanuunka, taasi oo ka dhigeysa wadarta guud 33,630.
Dr Aman ayaa xusay in 66 bukaan oo dheerad ah ka caafimadeen xanuunka, 40 guryaha ayaa lagula tacaaley halka 26 lagula tacaalye xaruumaha caafimadka waxayna tirade guud ee dadka uu ka caafimaday noqoneysa 19,434.
Dheecaanada la baaray manta oo ah 4,520 ayaa ka dhigeysa tirade guud ee dheecanada la baaray tan iyo markii ugu horeysay ee la diiwaan galiyay Coronavirus 442,713.
152 kamid ah bukaanada cusub waa rag halka 89 dumaryihiin. Bukaanka ugu yar da’adiisu waa sanad halka kan ugu wayn da’diisu tahay 86.
Nairobi waxa laga diiwaan galiyay 113, Mombasa 14, Taita Taveta iyo Kiambu 10 xaaladood, Kirinyaga iyo Narok 9, Kajiado 8, Laikipia iyo Nakuru 7, iyo Uasin Gishu iyo Turkana 6.
Busia iyo Lamu 5, Trans Nzoia, Kilifi, Kericho iyo Kakamega 4, Kisumu 3, Nyeri, Machakos, Makueni iyo Bomet 2, iyo Kitui, Bungoma, Embu, Nyandarua iyoNandi 1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here