Kenya oo ay suurtagal tahay inay lumiso ugu yaraan 360 bilyan

Dowladda Kenya ayaa waxaa suurtagal ah inay dhaqaale kor u dhaafaya 360 bilyan oo shilin ku wayso mashaariicda horumarineed ee aan la dhamaystirin.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday hanti dhowraha guud ee dalka Nancy Gathungu.
Haweeneydan ayaa xustay in deegaanada kala duwan ay ka jiraan mashaariic la billaabay balse aan la dhameyn.
Waxay dhibaatadan u aaneysay in aan miisaaniyad ku filan loo qoondeyn ama uu saameeyay isbeddel dhanka hoggaanka ah.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Nancy Gathungu ayaa madaxa siyaasadeed ku eedeysay inay kaalin ku leeyihiin mashaariicda hakadka ku yimid.
Maareeyaha miisaaniyadda dowladda Margaret Nyakang’o ayaa dhankeeda qirtay in weli ismaamullada uu ka dhex jiro musuqmaasuq baahsan hasa ahaate waxay cabasho ka muujisay in xafiiskeeda aysan ka howlgelin shaqaale ku filan tani oo sida ay sheegtay caqabad ku ah bixinta adeegyada dadweynaha.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here