Kenya oo bangiga AfDB ka helaysa amaah dhan 22 bilyaan

Sawirka AFDB

Dowladda dhexe ayaa waxay lacag gaareysa 22 bilyaan oo shilinka dalka ah una dhiganta 188 milyan oo yuuro oo amaah ka heli doontaa Bangiga horumarinta qaaradda Afrika ee (AfDB).
Agaasimayaasha Bangiga ayaa waxaa ay maalintii jimcaha meel mariyeen bixinta lacagtani deynta ah.
Dhaqaalahan ayaa lagu biirinaya kheyraadka lagula tacaalaya cudurka Covid-19 waxaana lagu xoojinaya nidaamka caafimaadka iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka.
Waxaa dhanka kale lagu taageraya qoysaska saboolka ah ee u nugul dhibaatooyinka uuna saameeyay cudurka sii faafaya.
Dhawaan ayey ahayd markii Kenya ay lacag amaah ah ka heshay Hay’adda caalamiga ee lacagaha adduunka ee IMF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here