Kenya oo cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Ex-Kontrool Afgooye ee magaalada Muqdisho kaasoo khasaare badan uu ka dhashay.
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Dr. Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Twittarka ku sheegtay in iyadoo u maraysa dhigiisa soomaaliya Axmad Ciise Cawad ay u tacsiyeynayso qoysaska ay eheladooda falkaasi ku dhinteen iyo dhammaan umadda soomaaliyeed.
Qaraxaas ayay ku tilmaantay mid si fuleynimo ah loo fuliyay.
Waxa sido kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadka ay dhaawacyadu soo gaareen ee weli isbitaallada ku jiro.
Monica Juma ayaa dhammaan dadka nabadda jecel ee ku nool caalamka ugu baaqday inay soomaaliya taageero u muujiyaan xilligan adag.
Dowladda Kenya ayay sheegtay inay ka go’antahay sidii ay soomaaliya garab uga siin lahayd in laga guulaysto kooxaha argagixisada.
Waxaa tacsi tani la mid ah diray barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane oo sheegay inuu aad uga naxay dhibaatada halkaas ka dhacday isagoo si kulul u cambaareeyay weerarka.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa isna tacsi u diray dowladda soomaaliya, shacabka iyo qoysaska ay eheladooda ku dhinteen qaraxa.
Waxaa uu Ducaale ku baaqay in loo baahan yahay in la isku yimaado oo saraakiisha ammaanka lala shaqeeyo hadii ay tahay gudaha soomaaliya, Kenya ama wadan kale oo ka tirsan urur goboleedka IGAD si loola dagaalamo xarakada Al-Shabaab ama cid kale oo amni darro waddo.
Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka ku sheegay in soomaaliya oo nabad ah oo ay xasilooni buuxda ka jirto ay micnaheedu tahay Kenya oo nabad ah.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ayaa sido kale sheegay in Kenya ay si la mid ah soomaaliya saameyn uga soo gaartay falalka argagixisada sidaasi awgeed la joogo xilligii labada wadan ee dariska ah iyo shacabkooda ay midoobi lahaayeen.
Aadan Barre Ducaale ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii maanta dhacay isagoo ku tilmaamay mid fal fuleynimo ku saleysan wuxuuna intaas ku daray inay qasab tahay in la ilaaliyo mabaadi’ida muwaadiniinta iyo dalalka si looga badbaado dhagarta argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here