Kenya oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday xerada militari ee dalka Mali

Dowladda dhexe ayaa cambaareysay weerarkii argagixiso ee Jimcihii lagu qaaday xero militari oo ku taala waqooyi bari ee wadanka Mali taas oo ay ku dhinteen 54 askari.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray askari Faransiis ah, halka 20 kale ay dhaawacyo ay soo gaareyn waxaana weerarkaasi mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda la magacbaxday dowladda islaamiga ee ISIS
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Monica Juma ayaa falkaan ku tilmaantay mid fuleynimo.
Warbixin ay soo dhigtay barteeda baraha bulshada ayay wasiiradda ku sheegtay in Kenya ay garab taagan tahay Mali, inta lagu jiro xilliga adag.
Qoraalka wasiiradda arrimaha dibadda ee dalka Monica Juma ayaa u dhigan sidatan
“Waxaan tacsi u dirayaa shacabka Mali anigoo u maraya dhigeyga ahna walaalkey Hon. Tiébilé Dramé, wasiirka arimaha dibadda ee Mali ka dib weerarkii argagixiso ee Jimcihii ka dhacay gobolka Menaka oo ay ku dhinteen 54 qof. Waxaan cambaareyneynaa weerarkii foosha xumaa ee fulaynimada ah ee lagu qaaday aadanaha. Kenya way idin garab taagantahay inta lagu jiro xiligan adag, ”
Weerarkan ayaa ah kii ugu dhimashada badna ee lagu qaado ciidamada dalkaas.
Waqooyiga dalka Mali ayaa waxaa gacanta ku dhigay dagaalyahano jihaad doon ah oo gacan saar la leh Al-Qaacidda kaddib markii ciidamada milatari ee wadankaasi aynan ku guulaysan inay burburiyaan kacdoon soo billowday 2012-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here