Kenya oo doonaysa inay cudurka AIDS-ka cirib tirto 2030

Dowladda dhexe ee dalka ayaa shaaca ka qaadday inay ku dadaalayso sidii cudurka AIDS-ka gudaha wadanka looga cirib tiri lahaa tobanka sano ee soo socota.
Shalay ayay ahayd markii fagaaraha Gusii stadium ee ismaamulka Kisii ay ka dhacday munaasabad qaran oo lagu xusayay maalinka caalamiga ee cudurkan.
Marwada koowaad ee dalka Mrs. Margret Kenyatta oo dabbaaldeggaas ka qeyb gashay ayaa sheegtay in bulshada si gaar ah qoysaska laga doonayo inay waxyaabo badan u huraan la dagaalanka xanuunkan.
Waxay carrabka ku dhufatay in cid kasta oo Kenyaan ah looga baahan yahay inay kaalin ka qaadato sidii loogu guulaysan lahaa in caqabaddan dhanka caafimaadka la xalliyo ugu dambeyn 2030-ka.
Marwada madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegtay in cudurkan uu dhibaatooyin ku hayo dadka ku nool deegaannada aan inta badan laga heli daryeel caafimaad oo tayo leh.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay jiraan hooyooyin uur leh balse aan la socon xaaladdooda caafimaad.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Mrs.Cecily Kariuki ayaa dhankeeda sheegtay in barnaamijka dowladda ee UHC oo ay micnaheedu tahay daryeel caafimaad oo dhameystiran ay qeyb ka tahay wax ka qabashada cudurkan .
Macluumaadka dowladda ayaa muujinaya in kiisaska la xiriira HIV AIDS-ka guud ahana dalka ay hoos u dhaceen oo ay hadda yihiin boqolkiiba 4.9% halka horraantii sagaashameeyadii ay ahayeen boqolkiiba 13% .
Barasaabka ismaamulka Kisii ,James Ongwae ayaa isna hoosta ka xarriiqay in dowlad deegaanka uu hoggaamiyo uu boqolkiiba 50 ee miisaaniyaddiisa dhaqaale u qoondeeyay arrimaha caafimaadka.
Madaxa fulinta ee golaha qaran ee xakameeya faafidda AIDS-ka Dr. Nduku Kilonzo ayaa sheegay in Kenya ay ku tallaabsatay horumarro lagu tacaalayo cudurkan.
Dhanka kale shacabka ismaamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi bari ayaa loogu baaqay inay xilli hore baaritaano sameeyaan si ay ula socdaan xaaladdooda ka hor tagna ay ugu noqoto inuu ku dhaco xanuunkan.
Saraakiisha wasaaradda caafimaadka ee Wajeer oo dadweynaha kula hadlay magaalada Giriftu ayaa sido kale ka digay in la faquuqo shakhsiyaadka cudurkan uu saameeyay sida uu ku soo warramayo Cabdiraxmaan Mucaawiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here