Kenya oo doonaysa inay taageero dhaqaale ka hesho hay’adaha lacagaha adduunka

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ku dadaalayso sidii hay’adda lacaga aadduunka ee IMF iyo bangiga adduunka ay uga heli lahayd dhaqaale ah ugu yaraan 115 bilyan oo shilin.
Lacagtan ayaa la rajeeynayaa inay wax badan ku kabto dhaqaalaha dalka oo laga cabsi qabo in Coronavirus uu saameyn weyn ku yeesho.
Madaxa bangiga dhexe ee dalka Dr. Patrick Njoroge ayaa shaaciyay in Dowladda ay dirsatay codsi ku aaddan in lacago loogu deeqo.
Njoroge ayaa intaas ku daray in lacagtan xilliyo kala duwan la soo gaarsiin doono ilaa iyo dhammaadka bisha afaraad ama horraanta bisha shanaad ee sannadkan.
Madaxa CBK ayaa sido kale xusay in 5-ta bilyan ee ugu horreysa si toos ah loogu wareejin doono wasaaradda caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here