Kenya oo heshay taageero ay uga mid noqonayso golaha ammaanka ee qaramada midoobay

Dowladda Kenya ayaa tageero ka heshay safiirada wadamada kale ee caalamka dalka ku matalo kaddib markii ay u ballan qaadeen inay ku garab istaagayaan ololaha ay ugu jirto inay xubin ka noqoto golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ee UNSC.
Ballan qaadyadan ayaa la sameeyay kaddib markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu safiirradan kula kulmay madaxtooyada wadanka ee State House.
Danjirayaashan waxaa ka mid ah safiiradda cusub ee ingiriiska Kenya ku matalaysa Ms Jane Marriot maadaama uu dhammaaday muddo xileedka Nic Hailey, ergeryga midowga Yurub ee Kenya Simon Mordue oo beddelaya Antonio Stefan Dejak.
Waxaa sido kale ka mid ah safiirada cusub ee dalal dhowr ah oo uu madaxweynaha ku guddoomay warqadaha aqoonsiga sida Dimitrios Zavoritis (Greece), Winpeg Moyo (Zimbabwe), Saqtain Syedah (Pakistan) ,Martin Klepetko (Czech Republic),Oded Joseph( Israel) Jean Bosco Barege( Burundi) Toba Sebade (Togo), Sulayman Aliu (Gambia) iyo Hermann Immongault (Gabon).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here