Kenya oo Heshay Taageero ku Aaddan ku Biiridda Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda  Kenya ayaa tageero ka  heshay   Algeria   oo u ballanqaadday inay  garab ku siin doonto ololaha ay  ugu jirto inay  golaha ammaanka ee jimciuyadda  qurumaha ka dhexeysa ee  UNSC  ay ka  noqoto  xubin aan  joogto ahayn.

Safiirka  ay muddo xileedkiisa  sii dhammaaneysa ee  Algeria  ku matalo dalka Salax Francis Elhamdi ayaa madaxweynaha dalka u xaqiijiyay in wadankiisa uu   kalsooni buuxda  ku qabo Kenya.

Waxaa uu intaasi ku daray inay rumeysanyihiin in Kenya  haddii fursad la siiyo ay  cod u noqonayso dalalka gobolka gaar ahaan  arrimaha amniga  iyo nabadsugidda.

Ambasadoor   Elhamdi ayaa ballanqaadkan sameeyay  xilli uu madaxweynaha dalka  Uhuru Kenyatta  ugu tagay  madaxtooyada  dalka looga arrimiyo ee State  House.

Mr. Kenyatta ayaa safiirka  u mahadceliyay waxaa uuna ku ammaanay  kaalinta uu ka qaatay xoojinta iskaashiga ka dhexeya labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here