Kenya oo IMF ka helaysa amaah dhan 79.3 bilyan

Hay’adda caalamiga ee lacagaha adduunka ee IMF ayaa ansaxiyay amaah dhan 79.3 bilyan oo ay ku wareejinayso dowladda Kenya.
Dhaqaalahan ayaa lagu biirinaya kheyraadka lagula tacaalaya cudurka Covid-19.
Lacagtan ayaa noqonaysa midii labaad muddo laba bilood gudood ah ay Kenya hesho .
Bishii saddexaad ee sannadkan ayuu bangiga dhexe ee dalka ee CBK shaaciyay inuu hay’adda IMF iyo bangiga adduunka ka codsaday deeq degdeg ah oo dhan ilaa 123 bilyan oo shilin si loo buuxiyo gaabadka dhanka dakhliga ee uu sababay caabuqa coronavirus.
Bishii hore ayay wasaaradda caafimaadka ee dalka sheegtay in bangiga adduunka uu ugu deeqay 5.3 bilyan oo shilin.
Madaxa guddiga fulinta ee IMF ayaa bayaan uu shalay soo saaray ku sheegay in la meel mariyay bixinta lacag dhan 739 milyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here