Kenya oo in ka badan 600 oo milyan kula tacaalaysa saddex cudur

Dowladda dalka ayaa dhaqaale gaaraya 623 milyan oo shilin u adeegsan doonto barnaamijyada wax looga qabto cudurada AIDS-ka, qaaxada iyo duumada.
Qaar ka mid ah deeqbixiyaasha caalamiga ah ayaa dhankooda ballanqaaday inay muddo saddex sano lacago ku bixin doonaan la tacaalidda xanuunadan.
Saddexdii sanaba sanduuqa dunida ee lagula dagaalamo cuduradan ayaa waxaa uu qabtaa shirweyne ku saabsan kheyraadka .
Tan iyo markii dhaqaalahan gaarka ah la billaabay 2002-dii waxaa awoodda Alle kaddib la badbaadiyay nolosha 32 milyan oo qof.
Hasa ahaate waxaa weli jiro caqabado dhowr ah oo la doonayo in xal loo helo maadaama sannadkii hore ee 2018-kii la shaaciyay in 37.9 milyan oo qof laga helay cudurka AIDS-ka.
Waxaa sare u sii kacay kiisaska laga soo tabiyay ilaa 50 waddan ee la xariira dadka qabo firuusiga xanuunkan keena ee HIV-da .
Sido kale cudurka duumada ama malaariyada ayaa sannadkii 2017-kii waxaa u dhintay in ka badan 435,000 oo qof waxaana tan iyo 2015-kii uu gaabad ku yimid horumarka laga gaaray wax ka qabashadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here