Kenya oo ka mid ah dalalka laga xusayo toddobaadka naasnuujinta caalamka

Waxaa toddobaadkan wadamo badan oo ay Kenya ka mid tahay looga dabaaldegayaa isbuuca naasnuujinta adduunka.
Dabaaldegyadan ayaa soconaya ilaa 7-da bishan sideedaad waxaana sannadkan hal qabsi looga dhigay awoodsiinta waalidiinta iyo fududeynta naasnuujinta carruurta.
Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Sicily Kariuki, ayaa sheegtay in hooyooyinka ay xaq u leeyihiin inay carruurtooda ku nuujiyaan xita goobaha shaqo.
Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirto in hooyooyinka shaqeynaya fursad loo siiyo inay carruurtooda ku nuujiyaan goobo gaar ah oo loogu talagalay in kastoo taasi aan weli si buuxda loogu guulaysan.
Heerka naasnuujinta carruurta ay da’doodu ka hooseyso 6 bilood ee Kenya ayaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 61 waxaa uuna bartilmaameedsigu yahay in taasi la gaarsiiyo boqolkiiba 80.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here