Kenya oo ka mid ah wadamada laga xusaya maalinka carruurta Afrika

Waxaa maanta dalka looga dabaaldegayaa maalinka canugga qaaradda Afrika oo sanad kasta la xuso 16-ka bisha June.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan senetarka aqalka sare sida magacaabidda ah ku galay Mr. Issac Mwaura loo aqoonsaday u ololeynta danaha iyo xuquuqda carruurta dhibaatooyinka u nugul.
Mr. Mwaura ayaa ka mid noqday halyeeya gaaraya 11 oo ay sannadkan billad sharafeed guddoonsiisay hay’adda caalamiga ee Terre Des Hommes, oo uu fadhigeedu yahay dalka Netherlands.
Senetarka oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee aqalka sare ayaa aad ugu riyaaqay in dadaalkiisa la aqoonsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here