Kenya oo ka mid ah wadamada laga xusaya Maalinta malariyada

Kenya ayaa ku bireysa dalalka maanta laga xusaya cudurka duumada ama malariyada
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in aynan ka seexan doonin dadaalka lagu jiro ka hortaga cudurka duumada.
Wasaarada ayaa dhanka kale xustay in qof walba uu halis ugu jiro in uu ku dhaco cudurka duumada gaar ahaan carruurta ka yar shan sano iyo haweenka uurka leh.
20 kun qof oo kenyan oo uu badan caruur ayaa la sheegay in sannadkiiba u geeriyoodan cudurka duumada.
WHO ayaa ka digaysa in kala bar tirada guud ee dadweynaha dunida ku nool inay halis ugu jiraan in duumada oo laga qaado kaneecada ay saameyso
Qaaradda Afrika ayaa waxaa laga soo tabiyaa boqolkiiba 93 ee kiisaska caalamka ee la xiriira cudurka duumada.
Malaria ayaa sannad kasta saameysa malaayiin qof oo ku nool qaaradda Afrika.
Waxaa gudaha Afrika ugu dhinta ugu yaraan 400,000 qof oo carruur u badan.
WHO ayaa waxay tani u sababeysay inuu hakad ku yimid dagaalka ka dhanka ah xanuunka duumada taas oo ay u sababeyso dadaalka ay kula jirto cudurka sidaha coronavirus kaas oo dunida halakeeyay
Cudurka duumada ayaa ah cudurka ugu dhimashada badan qaaradda Africa maadama ay jiraan kaaneecooyiin halis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here